Madaxweynaha puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 December 2016 waxa uu tacsi u diray isagoo ku hadlaya afka goloyaasha kala duwan ee puntland iyo kan shacabka Puntland qayskii, qaraabadii iyo qaran kii uu ka baxay taliye ku xigeenka 2aad ee ciidanka booliska Puntland gaashaanle sare Jamac Saxardiid Axmed,
Alleh haw naxariistee Sareeyey guuto Jamac saxardii Axmed ayaa waxa malinimadii shalay weerar shirqoolan ku soo qaaday dabley hubaysan isagoo ku guda jira shaqadiisa, waxaana uu maanta ku geeriyoodey cisbitaalka weyn ee magaalada boosaaso,
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo ku hadlaya afka Dawlada Puntland iyo kan shacabka Puntland ayaa waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii qarabadii iyo qaran kii uu ka baxay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Puntland jamac saxardiid Axmed.
‘’ inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun alleh haw naxariisto taliye Jamac Saxardiid Axmed, waxa uu ahaa nin kasoo baxa shaqadiisa, laguna yaqaaney shaqo wanaag, waxaan uga tacsiyaynayaa dhaman cidamada Puntland, shacabka Puntland, qoyskii iyo qarabadii u ka baxay marxuunku, waxaan isgana illahay uga baryayaa inuu unaxariisto denbigiisana dhaafo’’ ayuu yiri Madaxweynaha puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas.
Ugu danabay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu si gaara tacsi ugu dirayaa, qaskii iyo ciyaalkii uu ka tegey alleh hawnaxariistee marxuun Sareeye Guuto Jamac Saxardiid Axmed.

