Gudomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Safiirka Dalka Mareykanka u fadhiya Somaaliya “Sawiro”

0

Gudomiyaha gobolka banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Dalka Mareykanka u fadhiya Somaaliya.

Labada masuul ayaa kawada hadlay arimo dhowr ah, Kuwaas oo ay kamid yihiin in mataaneynta Magalooyinka Mareynka Iyo Muqdisho

Sido kale in muqdisho ay hesho meteladeeda siyaasadeed iyo diyaarinta Maqaamkii Caasimada.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mundane Yusuf Xuseen Jimcaale iyo Maamulkiisa ayaa lagu amaanay guusha laga gaaray mashruuca kudhiso Dalkaada Hal dollar, taasi oo ah dardaarankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo uu Gudoomiye Madaale bulshada usii kala dhig dhigay.
Gudoomiye Madaale ” ayaa ka dhawaajiyay in Mashruuca kudhiso Dalkaada hal dollar la gaarsiin doono jaaliyadaha soomaaliyeed ee Dalka dibaddiisa kunool si ay uga qeyb qaataan dib-udhiska Magaalada Muqdisho oo ah xaruntii midnamada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn Gudoomiye Madaale ayaa Safiirka Mareykan Uga Mahadceliyey Sida Wanaagsan Oo Ay Dowladda Mareykanka Uga Go’antahay in Dalka soomaaliya dib cagihiisa isugu taago, looguna soo celiyo nabad iyo baraare.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here