Saraakiil Ka Badbaaday Qarixi Muqdisho ka Dhacay

0

Xili barqanimadi maanta qarax ismiidaamin ah islamarkaana gaari loo adeegsaday uu ka dhacay Afafka hore Maqaayad ku taala Guriga Hooyooyinke ee degmada X/weyne ayaa dhinaca kale waxaa warar dheeraad ay ka soo baxayaan qaraxa ujeedki laga lahaa.

Wararka ayno heleyno ayaa tilmaamaya in qaraxa inta uusan dhicin ka hor ay goobta Mareen Kolonyo Gaadiid oo ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidaada Booliska Soomaaliya.

Waxana warka uu inta ku darayaa in qaraxa loo badinayo in bartilmaameedkiisu aha  Kolonyada gaadiid ee gelbineysay saraakiisha ciidamada dowladda ka tirsan oo xiliga marayay wadada hormarta Guriga Hooyooyinka. Saraakiisha goobta martay waxaa kamid aha Col Maxamed Daahir oo la sheegay in uu ahaa Bartilmaameedka Qaraxii saaka.

Wariyayaal ka tirsan Idaacadda simba oo goobta tagey ayaa soo sheegaya in qaraxa uu ku dhintay kaliyah Ninki isqarxiyay sidoo kale 5 qof oo 4 kamid ah ay yihiin ciidamada booliska ay dhaawacyo soo gaaree.

Gaariga qaraxa lagu fuliyaya ayaa lagu sheegay nuuciisa (AALYOON) waxana qaraxa uu si gaar ah kaga dhacay derboga Maqaayada The Village oo ku taala Dhismaha Guriga Hooyooyinka.

Afayeenka Maamulka Gobolka Bnaaadir ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu qasaare kooban geystay ilaa hatana ay xaqiijiyeen dhimashada ninki is qarxiyay iyo sidoo kale dhaawac labo qof oo mid kamid ah uu yahay Wariye.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here