Dowlada india ayaa sheegtay in ay ugu deeqeyso lacag dhan 500,000 oo million hay’ada qaramada midoobay si wax looga qabto xaaladaha deg-dega ah ee beni-aadinimo ee kajira caalamka sanadka 2016-2017-ka
Anjani Kumar oo ah qunsulka u fadhiya India qaramada midoobay ayaa sheegay in ay balan qaadeen in dowlada india ay lacag ugu yaboohday Qaramada midoobay xarunteeda u qaabilsan xaaladaha deg-dega ah sanadkan 2016-2017 iyada oo ay sanadkan ku warajineysa 6 milion oo ka mid ah lacagaha ay ugu dalagashay.
kumar ayaa sheegay in ay sii saa’ideyso tirada dadka u baahan caawinaada deg-dega ah 10-kii sano ee u dambeysay .
Waxaana uu qunsulka intaas ku daray in india ay marwaliba u taagan tahay sidii ay dadaalkeeda ugu bixin la heyd wadamo ay kamid yihiin: Somaliya,Afghanistan, Maldavis, Nepal, Sri lanka iyo dowlada yeman oo xaalado adag ay ka jiraan iyo masiibooyin dabiic ah.

