Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, Xildhibaan Cabdirasaaq Cismaan Xasan (Prof Juuriile), iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa kulan gaar ah oo muddo lagu qiyaasay 6-saacadood socday maanta ku yeeshay Guriga uu ka degan yahay Garoowe Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole .
Kulanka mas’uuliyiintan oo ka dhacay Magaalada Garowe subaxnimadii horre ee saakay ayaa ahaa mid aan horey loo sii shaacin, kulanka ayaa la sheegay in diirada lagu saaray sidii la isugu soo dhawayn lahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya iyo Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland oo labaduba u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Islamarkaana mudooyinkii dambe laga dareemayay kala fogaansho siyaasadeed oo ka dhex jirtay.
Prof Cabdirasaaq Juuriile iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wararku sheegayaan inay garwadeen u ahaayeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen isu soo dhaweynta labada musharax Cabdiraxmaan Faroole iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo labaduba dhalasho ahaan kasoo jeeda Deegaanada Puntland.
Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo isku beel ah ayaa haatan uwata taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya.

