Waxaa la soo saaray isku aadka wareega 16ka ee Champions League iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh, kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal ayaa wareegaan mar kale isku arkay sida la mid ah kooxaha Paris Saint-Germain iyo Barcelona.
Kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid waxa ay isku dhici doonaan kooxda Talyaaniga ee Napoli, halka kooxda Atletico Madrid ee gaartay finalka xilli ciyaareedkii h–e ay wareegaan wajihi doonto kooxda Jarmalka ee Bayer Leverkusen.
Kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City waxa ay isku soo aadeen kooxda kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Faransiiska ee AS Moanco, halka kooxaha FC Porto iyo Juventus ay isku dhaceen. Borussia Dortmund ayaa iyadana wajihi doonta kooxda Portugal ee Benfica.
Halka kooxda heysata horyaalka Ingariiska ee Leicester City ay isku soo aadeen kooxda reer Spain ee seddexdii sanno ee ugu danbeysay soo qaaday Europa League ee Sevilla.

Isku aadka oo dhameystiran:
Manchester City v AS Monaco
Real Madrid v Napoli
Benfica v Borussia Dortmund
Bayern Munich v Arsenal
FC Porto v Juventus
Bayer Leverkusen v Ateltico Madrid
PSG v Barcelona
Sevilla v Leicester City
Arsenal oo kaalinta 1aad uga soo baxday group-kooda ayaa lagu abaalmariyay inay wareega 16ka la ciyaarayaan Bayern Munich oo ah kooxdii Arsenal wareegyada kala baxa ku reebtay dhamaan seddexdii jeer ay ku kulmeen ee kala ah 2005, 2013 iyo 2014.
Bayern iyo Arsenal waxa ay kulmeen 10 jeer. Bayern Munich waxa ay badisay shan jeer halka ay Arsenal badisay seddex jeer labada kulan kale barbaro ayay ku kala baxeen.

PSG v Barcelona ayaa iyadana ah kulan kale oo adag.
Barcelona waxa ay kaliya labo guuldarro ka soo gaartay PSG sagaalkii kulan ee ay ciyaareen iyagoo badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay.
Iker Casillas v Gigi Buffon ayaa iyagana isaga horimaanaya wareega 16ka Champions League iyadoo labada halyeey ay goolasha u waardiyeeyaan Porto iyo Juventus.
Juventus ayaa 2-1 kaga badisay FC Porto kulankii finlka Cup Winners Cup ee la ciyaaray xilli ciyaareedkii 1983/84.
Waa markii ugu horeysay ee ay kulmaan kooxaha Manchester iyo Monaco & weliba sidoo kale kooxaha Sevilla iyo Leicester City.
Atlético ayaa wajaheysa Leverkusn oo ay isku arkeen wareegii 16ka Champions League ee xilli ciyaareedkii 2014-15, iyadoo Atletico Madrid ay rigoorayaal ku soo baxday.
Kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid waxa ay Napoli ku kulmeen wareegii koowaad ee Champions Cup ee xilli ciyaareedkii 1987/88 iyadoo Madrid ay soo baxday.

