Ciidamada Al-shabaab oo La Wareegay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

0

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay la wareegay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya.

Ciidamada shabaab-ka ee la wareegay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa degmada waxa ay ka weerareen dhowr jiho waxana u suurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan gacan ku heynta.

Warar lagu baahiyay Baraha al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay la wareegeen gacanta ku heynta  degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Dhanka kale dowladda Kenya ayaa beenisay sheegashada Al-shabaab.

Gudoomiyaha Deegaanka Mandera ayaa sheegay in wararka ku saabsan warbaahinta bulshada ee sheegaya in  Al-Shabaab ay la wareegeen magaalada soohdinta ah ee Ceel Waaq uu yahay been abuur.

Mr Bernard Nyakwaka ayaa beeniyay farriimahaas lagu faafiyay Twitter, isagoo sheegay in “Mr Dan Chacha, taliyaha bilayska aaggaasi, uu tagay deegaanka islamarkaana xaqiijiyay in xaalada ay degan tahay”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here