Qaramada Midoobay,Midowga Africa, IGAD, Ethiopia,Italy,Sweden,The United Kingdon iyo Maraykanka ayaa si wadajir ah waxa ay walaac ugu muujiyeen doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ee uu kusoo baxay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarayaha Xukuumadda Soomaliya Maxamed C/laahi Nuux.
“Qabashada doorashada shalay ka dhacday magaalada Jowhar waxa ay ka soo horjeedaa qoraal ka soo baxay 7dii bishan guddiga doorashada dadban ee heer federal taasoo si toos ah loogu direy guddiga doorashada dadban ee heer dowlad goboleed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble iyadoo lagu cadeeyay in laga joojiyay doorashada Aqalka Hoose ee kursiga beesha Jidle Maxamed Cabdulaahi Xasan iyo Axmed Shiikh Nuur.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Beesha caalamka ayaa ku tilmaantay doorashadii ka dhacday Jowhar gaar ahaan kursiga Jidle waxa uu jebinayaa sharciyada doorashada 2016, iyadoo weliba sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadii uu ku soo baxay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dalka Soomaaliya Nuux ayna taageersan yihiin go’aanka ay ka gaareen guddiga doorashada.
Guddiga doorashooyinka dadban ayaa qoraal uu soo saaray dhowaan waxa uu ka joojiyay inay doorashada kursiga beesha Jidle ay ka qeybgalayaa Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdulaahi Xasan iyo Axmed Shiikh Nuur kadib markii lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen fadqalalo ka dhacday gudaha xarunta doorashada iyo banaankeeda taasoo ay ku dhaawacmeen dhowr ruux.

