Wasiir Horey Loo Diiday Inuu Tartamo oo Kamid Noqday Xubnaha Aqalka Hoose

0

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/llaahi Xasan Nuux ayaa kusoo baxay doorasho la sheegay in ay aheyd boobsiis ama deg deg oo ka dhacday Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hir-shabeelle.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle Xubno kamid ah Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle ayaa saakay qabtay doorasho boobsiis iyo deg deg aheyd, waxaana Wasiir Nuux la tartamaysay gabar lagu magacaabo Hinda C/llaahi Cumar, iyadoo Wasiir Nuux uu ku soo baxay 45 cod.

Dhawaan Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban ayaa war saxaafadeed uu soo saaray arbacadii waxaa uu tartanka Kursiga Beesha Jidle ka reebay Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ahaa Wasiirkii dhalinyarada iyo Musharax kale ee la tartmayay Axmed Sheekh Nuur Cirro, kaddib markii lagu eedeeyay inay inay sabab u ahaayeen fowdo iyo shaqaaqo ka dhalatay ka dhacday Jowhar 18-kii bishii November.

Dhanka kale Guddiga Doorashooyinka Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba-gabeeyay doorashada Xubnaha aqalka Hoose islamarkaana la qaban doono Xaflad maalmaha soo socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here