Wararka ka imaanaya deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax gaari loo adeegsaday in goordhaweyd uu ka dhacay deegaankaas.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay Ciidamada amaanka dowladda Soomaliya ku baaraan gaadiidka, gaariga qarxay ayaa la baarayay intuusan qarxin sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
inta la xaqiijiyay hal askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Hay’adda nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa ku dhintay qaraxa, waxaase jirin qasaaro kale oo dadkii shacabka ahaa soo gaaray.
Wixii kusoo Kordha kala Soco Simbanews.com

