Magaalada Cadaado ee caasimada KMG ee Maamulka Galmudug waxaa maanta ku wajahan wafdi ka socda beesha caalamka kuwaasi oo goob-joog ka noqon doona xaflada lagu soo gaba-gabeyn doono doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.
Amaanka Magaalada Cadaado ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo Magaaladaas ay haatan ku sugan yihiin Madaxda ugu Sareysa Maamulka Galmudug, sidoo kale waxaa Magaaladaas dib ugu laabtay qaar kamid ah Xubnaha aqalka labada aqal ee dhawaan la doortay.
Maamul Goboleedka Galmudug ayaa noqonaya Maamulkii seddexaad ee soo dhameystira Xubnaha labadiisa aqal iskastoo ay wali jiraan cabasho ay muujiyaan qaar kamid ah beelaha daga Gobolada Mudug iyo Galmudug.

