Yahya Jammeh Madaxweynihii Hore ee dalka Gambi oo dhawaan shaaciyay in uu aqbalay Natiijada doorashada dalkaas ka dhacday ayaa haatan kasoo horjeystay isagoo sheegay in uusan ka dagi doonin xilka Madaxtinimo.
War uu xalay ka baahiyay telefishenka dowladdda Gambi ayuu ku sheegay inuusan xilka ka dagayna, waxuuna ku baaqaay in doorasho cusub la bilaabo.
Tani ayaa dad badan layaab ku noqon doonto xili wadamo badan oo Caalamka iyo ururo Caalami ah ay soo dhaweeyeen sida dimuqraadiyada leh ee u dhacday doorashada dalkaas ka dhacday bishii aynu soo dhaafnay.

