Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceyd Dhedo ayaa ku eedeyay Kooxda daacish inta aysan ka bixin Degmada Qandala in ay dhibaato xoog leh ay gaarsiiyeen degmadaasi.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Daacish ay gubeen guro badan oo degmada ku yaala iyadoona sidoo kale ay dab qabadsiiyeen Isbitaalo iyo Ceelbiyoodyo.
Daacish ayaa muddo ku siman 40 cisho waxa ay maamulayeen degmada qandala balse ugu dnabeyn waxa ay isaga baxeen maalinki shaley aha kadib marki ay culeys ciidan ay kala kulmeen ciidamada puntland.
Gudoomiyha gobolka bari ayaa waxa uu sheegay in daacish ay caqabad ku ahaayeen hormarka iyo nolasha dadki noolaa degmada qandala ee gobolka bari.
Dhinaca kale dadki magaalada isaga barakacay ayaa bilaabay in dib ay ugu soo laabtana degmada qandala maadaama haatan degmada ay gacanta ku hayaan ciidamada puntland.

