Maamul Goboleedka Puntland oo Ka Hadlay Sida Daacish Loogu Saaray Degmada Qandala

0

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa maanta si nabad galyo ah kula wareegay degmada Qandala ee Gobolka Bari oo 40-bari ka hor gacanta u gashay dagaalyahanada kooxda Daacish-ta Soomaliya.

Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax oo gaaray degmadda qandala ee Gobolka Bari ayaa u sheegay Idaacadda VOA-da  in ciidamada Puntland ay dhinac badda iyo Beriga  ka weerareen magaaladda, oo ay ka qabsadeen Barqanimadii maanta.

Wuxuu sheegay in howlgalkii lagu xoraynayay degmada Qandala ay ku dileen 30-askari oo ka tirsanaa dagaalyahanada Daacish, in ka badan 35 kale ay dhaawacmeen, wuxuuna sheegay in dhinacooda uu soo gaaray dhaawaca 5 askari, oo laba ka mid ah  u soo gaaray dhaawac culus sida hadalka u dhgay.

Sidoo kale Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland waxa uu sheegay in dagaalyahanada laga saaray degmada in ay gaareen degaanka guruur oo 60km u jirta degmadda Qandalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here