Somali-land:-Siyaasiyiinta Muqdisho Ku Sugan ee Doorashada Ka Qeybgalaya Nama Matalaan”,+Dhageyso

0

Maamulka  Somali-land ayaa ka hadlay doorashooyinka Xubnaha aqalka Hoose iyo aqalka Sare ee ka imaanaya deeganada maamulkaas oo maanta ka bilaabatay Magaalada Muqidisho ee Caasimada Soomaliya.

Wasiiru dowlaha amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Somaliland Max’ed Muuse Diiriye,ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Muqdisho ku sugan ee doorashada Soomaaliya ka qeybgalaya aysan iyaga matalin sidaa darteedna ay yihiin shaqaale dalka dibaddiisa u shaqo tagay.

Waxa uu tilmaamay Wasiiru dowlaha amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Somaliland Max’ed Muuse Diiriye Xeerka iyo Siyaasadda Somaliland ee ku aaddan Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi  ee muqdisho ku sugan  in aysan wax iska beddelin oo ay dambiileyaal ka yihiin dhanka Maamulka Somaliland.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta ka bilowday Doorashada Xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deegaanada Gobolada Woqooyi ee Soomali-land waxaa doorashada kusoo baxay Xubno xilal ka hayay dowladda Soomaliya iyo kuwa horey ugu soo qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here