Kooxo mindi ku hubeysnaa ayaa ku dilay magaalada Kristiansand ee Koonfurta dalka Norway, Wiil Soomali ah iyo haweeney u dhalatey dalka Norway kadib markii weerar lagu qaaday.
Booliska magaalada Kristiansand ee dalka Norway ayaa maanta shaaca ka qaadey muuqaalka labada qof. Wiilka ayaa ah 14 sano jir asalkiisu Soomaali yahay, halka haweeyenda la diley ay ahayd 48 jir u dhalatey dalka Norway oo macalimad ka ahayd iskuul gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Wilds Minne, oo ku dhawaa goobta dilku ka dhacay
Wiilka ayaa lagu magacaabaa Yacquub Cabdullaahi Xasan, waxaana uu dhiaganaayey fasalka 9aad iskoolka lagu magacaabo Fiskå, sida ay qortey warbaahinta dalka Norway, waxaa uu la noolaa Hooyadiis iyo Walaaliihiis waxaana ay Norway timid Hooyadiis 1997.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay Wiilka Soomaliga ahaa iyo haweeney u dhalatey dalka Norway.

