Odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Woqooyi ee Somali-land ayaa isku raacay in doorashada xubnaha aqalka Hoose iyo aqalka sare ee deeganada maamulkaas ka imaanaya in lagu qabto xarunta Xalane ee Ciidamada Amisom, halka markii hore la qorsheeyay in lagu qabto Xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Sababaha odayaasha ay u dalbadeen xarunta Xalane ee Ciidamada AMISOM in lagu qabto doorashada ayay ku sheegeen kadib markii cabsi badan iyo cagjugelyn joogto ah ay soo gaartay qaar kamid ah Ergooyinka.
Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Shamarke oo Xafiiska warqad kasoo saaray ayaa soo dhaweeyay go’aanka odoyaasha ay ku dalbadeen in xarunta Xalane lagu qabto doorashada aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Deeganada Maamulka Somali-land.


