Maamulka Somali-land ayaa mar kale ku celiyay in aysan jirin cid dhankooda ka socota oo u matelysa doorashada dadban ee ka dhacaysa Somaliya sanadkaan 2016-ka.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdulaahi Saxardiid oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land ayaa sheegay in dhammaan dadka kasoo jeeda deegaannadooda ee qeybta ka ah dowladda federaalka u arkaan dad qiyaano ku sameeyey dalkooda waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wasiir Cismaan Cabdulaahi Saxardiid Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland ayaa tilmaamay in Somali-land ay wali ku taagan tahay mowqifkeeda ahaa in aysan ka qeyb gali doono doorashada dadban ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Magalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ay haatan ka socoto doorashada xubnaha aqalka Hoose iyo aqalka Sare ku matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaliya deegaanada Maamulka Somali-land.

