Labo Wiil oo Walaalo ahaa oo Lagu Dilay Magaalada Stockholm Sweden+Sawirro

0

Magaalada Stockholm ee dalka  Sweden waxaa  xalay Saacada marka ay aheyd 22:00 lagu dilay labo wiil oo Soomali ah xili ay fadhiyeen  baar laga caweeyo kaas oo ku yaalo goob ay Somalidu aad ugu badan tahay lana yiraahdo Rinkeby.

Ala Ha U Naxariistee Labadaan Wiil ee Soomalida ahaa islamarkaana Walaalo ahaa ayaa fadhiyay  baarka Rinkeby, kadibna waxaa halkaas  weerar ku qaaday dhalinyaaro kale oo lagu qiyaasay 20 ilaa 25 kuwaas oo ku hubeysnaa bastoolado iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.

Qasaaraha goobta ka dhashay ayaa ah labadan Wiil oo isla goobta ku dhintay iyo mid kale oo dhaawac ah kaas oo loola cararay Cisbitaal, falka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada booliska Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Saakay oo sabti ah ayaa la filayaa in la aaso labada wiil ee Soomalida ahaa ee la dilay, war kooban oo baxay taliska booliska dalka Sweden ayaa lagu sheegay In xaafadaas laga furi doono xarun boolis islamarkaana la geyn doono Ciidamo badan oo ka hortaga falalka noocaan oo kala ah.

1480745304de962 1480745302a5f9d 1480745301eb3a3 1480745300c2b71 1480745304535a6

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here