Kulan Saxaafaddu ay Dibad joog Ka Tahay oo Gaalkacyo  Uga Socda Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug

0

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa haatan ka socda kulan ay dibad joog ka tahay Saxaafada oo u dhaxeeyo  Guddiyada isku dhafka  ah ee dhawaan la magacaabay.

Warar laga helayo kulanka oo goodhow furmay ayaa ku waramaya in kulanka loogu hadlaayo sidii loo dhaqan galin lahaa xabad joojintii bishii aynu soo dhaafnay madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ay wada gaareen kaasi oo dhigayay in xabad dambe aan laga maqlin magaaladaas islamarkaana lakala durjiyo labada ciidan.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Xalay rasaas xoogan oo saacado badan socotay ay ka dhacday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Galmudug, saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ciidamada maamulka Puntland  ku eedeeyay in ay werar kusoo qaadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here