Madaxweynihii Hore ee Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) haatana kamid ah xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa war aan mas’uuliyad ku dheehneen ku tilmaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Dhagey ee ahaa in Xildhibaanada la doortay ay yimaadaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya si loo siiyo kaararka aqoonsiga.
“Hadalkii kasoo yeeray dhawaan gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Dhagey oo ah saaxiibka madaxweynaha waqtigiisa dhamaday ee ahaa in xildhibaanada la doortay ay yimaadaan Magaalada muqdisho si ay u qaateen kaararka aqoonsiga, hadalkaas waa hadal Caruureed”, ayuu yiri Madaxweynihii Hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.
Siyaasiga Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa tilmaamay sidoo kale in waajib Dastuuri ah ay ku tahay guddiga doorashooyinka dadban in xildhibaanada la doortay ay deeganada ugu geeyaan kaararka aqoonsiga iyagoo usoo marsiinaya Guddiyada doorashooyinka heer dowlad Goboleed.
“Wadanka Dastuur ayuu leeyahay mana ahan in gabi ahaanteena aan tagno Gobolka Banaadir anagoo raadinayna kaararka aqoonsiga, guddiga doorashooyinka heer federaal ha usoo dhiibaan guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed si ay inoo siiyaan”, ayuu mar kale yiri siyaasiga C/raxmaan Faroole.
Dhawaan Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Dhagey ayaa sheegay in ay bixin doonaan kaararka aqoonsiga xildhibaano, balse sharuud ayuu ugu dhigay xildhibaanada la doortay in ay yimaadaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaliya si loo siiyo.

