Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in xalay Magaaladaas laga maqlay rasaas xoogan oo ay isweedaarsanayeen Ciidamada Maamulada Puntlnd iyo Galmudug.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Puntland in weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen Ciidamada Galmudug oo ku sugnaa saldhiga Booliska Koonfurta Magaalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug inkastoo aan la ogeyn qasaaraha halkaas ka dhashay.
Dadkii dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug oo dhawaan isaga barakacay ayaa mar qur ah dhagahooda waxa ay maqleen xalay rasaas xoogan oo ka dhacaysa Gudaha Magaalada.
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa xaqiijiyay in weerar gaadmo ahaa ay Ciidamada Maamulka Puntland ay ku qaadeen Saldhiga Booliska Galmudug ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay ku barakeceen in ka Badan 80 kun oo qoys, waxa ku dhintay in ka badan 60-qof, halka 130 in ka badan ay ku dhawacmeen , dadka qaar aya intoodii badnayd soo laabtay markii la shaaciyay Heshiis Hordhac ah.

