Laba Iiraaniyiin ah oo Lagu Eedeeyay Falal Argagaxiso oo Maxkamad Lagu Soo Taagay kenya

0
Iranian Nationals Sayed Nasrollah Ebrahimi, Abdolhosein Ghola Safafe and Kenyan driver Moses Keyah Mmboga stand in the dock at the Milimani Law Courts where they were charged for taking video clips of the Israeli embassy in Kenya's capital Nairobi, December 1, 2016. REUTERS/Stringer

Maxkamadd ku Taala magaalada Nairobi ee caasimada dalka ayaa waxaa kasoo hor muuqday maanta Laba Iiraaniyiin ah iyo darawalkoodii oo Kenyan ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay  inay u ururinayeen macluumaad ku saabsan “fal argagixiso”.

Shaqsiyaadkaan oo u shaqeynayay Safaaradda Iran ee Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay filim ay ka duubayeen safaaradda Israel ee Magaaladaas iyagoo howsha ku jira ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay.

Sayed Nasrollah Ebrahimi, Abdolhosein Ghola Safafe iyo darawalka waday Muuse Keyah Mmboga  oo kenyaan ah ayaa kasoo hormuqday Maxkamadda Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Qareenka difaacaya , Cohen Amanya ayaa u sheegay Reuters in saddexda nin aysan qiranin danbiga lagu eedeeyay islamarkaana ay soo xireen ciidamada ATPU ee (Laanta Bilayska ee la Dagaallanka Argagixisada ee Kenya ) si su’aalo loo waydiiyo dheeraad ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here