Khadiijo Maxamed Diiriye oo u Sharaxan Xilka Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka

0

Xildhibaanad khadiijo maxamed Diiriye oo kamid ah Xubnaha aqalka Hoose ee baalamaanka Federaalka Soomaliya ku matala deeganada  mamaulka Hir-shabeelle ayaa maanta ku dhawaaqday in ay tahay musharax u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaliya.

“Waxaan doonayaa inaan halkan uga cadeeyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda Xildhibaannada Golaha Shacabka inaan ahay Murashax u taagan qabashada Xilka Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo aan qof ahaan u arkay in uu yahay xil aan gudashada waajibaadkiisa si hufan uga soo bixi karo hadii la ii doorto” ayay tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo si rasmi ah u shaacisay musharaxnimadeeda xilka Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanad khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tilmaamtay in qibrad badan ay u leedahay siyaasada islamarkaana ay muddo badan kusoo dhex jirtay siyaasada Soomaliyeed gaar ahaan tan baarlamanka Federaalka Soomaliya.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa 15-kii sano ee ugu dambeeyey ka mid ah aheyd Xildhibaannadii kala duwanaa ee dowladihii dalka soo maray, waxaana ay si rasmi ah uga mid noqotay sanadkii 2000 Baarlamaankii KMG ee lagu soo dhigsay dalka Djibouti.

Sidoo kale Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa haatan ah wakiilka Haweenka Soomaaliyeed u metelaya Golaha Haweenka Xildhibaannada urur goboleedka IGAD IPU-IGAD Women CAUCUS oo ay si rasmi ah u noqotay bartamihii sanadkan 2016-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here