Raisulwasaaraha Soomaliya oo Xubnaha Labada Aqal ee Jubba-land Kala Hadlaya Doorashada +Dhageyso

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa gaaray Magaalada kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka jubba-land.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land waxaa wafdigaan kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu sar sareysa Maamulka Jubba-land, saraakiil Ciidaan iyo Mas’uuliyiin  kale iyadoo loo galbiyay xarunta Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubba-land.

Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo markuu gaaray halkaas ayuu sheegay in ujeedka uu kismaayo u gaaray ay tahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxda maamulka Jubba-land.

Warar soo baxaya oo ay halayso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke xubnah aqalka Hoose iyo aqalka Sare ee ka imaanaya deeganada maamulka Jubba-land uu kala hadlaayo caawa arrimaha doorashada soomaliya madaama uu kamid yahay musharixiinta loolanka ugu jira kursiga Madaxaweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here