Doorashada Aqalka Hoose ee Maamulka Hir-shabeelle oo Hakad La Galiyay+Sababta

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Doorashadii  Xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaliya ee ka imaanaya deegaanada maamulkaas in la hakiyay.

Arrintaan ayaa ka dambeysay khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo Guddiga Doorashooyinka dadban oo ku eedeeyay Cali C/llaahi Cosoble inuu faragelin weyn ku hayo Doorashada aqalka Hoose.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa lagu arkay goobaha ay degan yihiin ergooyinka beelaha kuraastoodu taallo magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle isagoo sidoo kale kulamo la qaadanayay, wuxuuna door weyn ku yeeshay Doorashada sida Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cumar Maxamed Cabdulle ku sheegay qoraal uu u diray Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle.

Dhanka kale war kasoo baxay Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban ayaa lagu sheegay in la hakiyay doorashada Aqalka Hoose ee Magaalada Jowhar ka socotay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here