Rag Hubeysan oo Weeraray Xarunta Jaamacada SIMAD ee Wadda Warshadaha+Dhageyso

0

Kooxo Hubaysan oo sida la sheegay ku Labisnaa Dariiska Ciidanka Dowlada Soomaaliya  ayaa maanta Weerar saacado Socday ku qaaday Xarunta Jaamacada SIMAD Wadda Warshadaha ee  Magaalada Muqdisho.

Israsaaseen dhexmartay Rag ku Hubaysnaa Qoryaha Fudud  iyo Ilaalada Jamaacadda  ayaa Bilaabatay ka Dib markii Dablaydu  ay Dhacay ku bilaabeen Arday ku Sugaan Afaahka Hore ee Jaamacadda Xaruunteeda Wadada Warshadaha.

Israsaasaynta oo daqiiqado Socotay ayaa waxaa Goobta soo gaaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowlada Soomaaliya oo Isku Gadaamay Xarunta Jaamacadda Markii Ciidamada ay Xaruunta Soo gaaraan waxaa Dib u Bilaabatay Rasaas Culus oo ay is weydaarsadeen Ciidamada Dowlada iyo Ilaalada SIMAD waxaan Wararka ay intaa ku Siidarayaan Ciidamada ay Jir Dil u geysteen qaar ka mid ah Waardiyaasha ilinka  Hore ee Jaamacada Sida ay Idaacada Simba ay u Xaqiijeen Goobjoogaa ku sugnaa xaruunta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here