Askar Ka Goosatay Dowladda oo Lagu Soo Bandhigay Deegaanka Kuunyabarow+Sawirro

0

Xarakada Al-shabaab fagaare ku yaallo deegaanka Kuunyabarow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose waxa ay kusoo bandhigtay gaari dagaal iyo askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaliya oo ay sheegeen in ay usoo gooysteen .

Goobta lagu soo bandhigayay askarta iyo hubkii y wateen waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo shacab aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha deegaanka Kuunyabarow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Labo Askari oo ciidamada Xooga ka tirsan ayaa la sheegay inay gaarigaan kala goosteen Degmada Baraawe ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose, kadibna ay isku dhiibeen ciidamada Xarakada  Al Shabaab ee ku sugan Degmadaas.

Gaariga Shabaabka ay soo bandhigeen oo ahaa Cabdi Bile, ayaa waxaa saarnaa Qori Dhashiike ah, sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay Qoryaha BKM iyo RBG iyo AK-47 oo ay wateen Labada askari ee ka tirsanaa dowladda Soomaliya.

1480315829f9ccb 148031583170d37 148031583316f4e 14803158288609c 14803158350945f 148031583326199

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here