Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Gaaray Kismaayo

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir uuna qeyb ka ahaa  guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa maanta gaaray Magaalada kismaayo ee caasimada Km gee Maamulka Jubba-lnd.

Wafdigaan markii ay ka dageen Garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo waxa halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyin ka tirsan maamulka Jubba-land iyo saraakil ciidan iyadoo durbadii loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubba-land.

Ugu horeyntii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Dr Aadan Inshaar  oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in socdaalka wafdiga ay la xiriirto sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda dowlad goboleedka Jubbaland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here