War kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee dalka, ayaa lagu sheegay inuusan jirin go’aan ka soo baxay Guddiga oo ku aadan Doorashooyinka xiligaan socda.
War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga ayaa arintaan lagu sheegay, kadib markii qaar ka tirsan Warbaahinta gudaha ay sheegeen in go’aano laga gaaray Kuraasta qaar ee Doorashada.
Warka guddiga Xalinta Khilaafaadka ka soo baxay ayaa sidan u qornaa
Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed in uu socdo baaritaan ay ku hubinayaan cabashooyin la xiriira in la musuqmaasuqay kuraas ka mid ah doorashooyinka ka socda dalka.
GMXKHDD waxaa u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas go’aan ka gaarin.
Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa fursad uu isku difaaco.
Arrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay Madasha Hoggaanka Qaran, Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo kaliya.

