Jen Gaafow:- Ciidamada ayaa La Wareegay Halkii Laga Soo Abaabulayay Qaraxii Ka Dhacay Waabari

0

Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa sheeegay In gacanta lagu dhigay ninkii dambeeyay qaraxii maanta ka dhacay Gudaha degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow aya ayaa warbaahinta u  xaqiijiyey in ciidanka Nabad Sugida  ay la wareegeen garaash ku yaalla nawaaxiga isgoyska Black sea ee degmada Hodan oo ahaa halkii laga soo abaabulayay gaarigii maanta lagu qarxiyay Wadda afasiyooni ee degmada waabari.

Waxaa uu intaa ku daray Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow in xogta garaashkan ku saabsan iyo macluumad kale laga helay ninkii waday gaariga maanta ku qarxay Suuqa beerta oo ciidamada dowladu ay ku qabteen meel ku dhow goobti uu qaraxu ka dhacay xili uu isku dayeyey inuu baxsado.

Qaraxii Maanta ka dhacay Wadda Afasiyooni ee degmada waabari waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 10-qof halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 30-ruux oo shacab u badnaa, Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo qaraxaan sidoo kale ka hadlay ayaa sheegay in laamaha amaanka ay ku guuleysteen in gacanta lagu dhigay ninkii soo abaabulay qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here