Xaamud:-“Booliska Waxa ay U Diyaar Garoobeen Sugida Amniga Goobaha Doorashooyinka Muqdisho”,

0

Taliska Boosliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay u Diyaar garoobeen Sugida Amniga goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in ciidamada booliska ay diyaar u yihiin xiligaan xaqiijinta amaanka goobaha doorashooyinka ka dhacayaan ee Magaalada Muqdisho islamarkaana ay rajeynayaan in laga hortago falalka amni daro.

Gudoomiyaha gudiga amniga qaranka sidoo kalana ah Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamo kamid ah booliska Soomaaliyeed oo tababaro kala duwan ku qaatay magaalada Muqdisho iney qeyb ka qaadan doonaan xaqiijinta amaanka xiliyada doorashooyinka ka dhacayaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa la filayaa in Lagu qabto maalmaha soo socda doorashada xubnaha aqalka Hoose iyo aqalka Sare ee Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale maamulka Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here