Micheal Keating “Talaabada Lagu Dhamasytiray Aqalka Hoose ee Jubba-land Waa Tubta Dowladnimada”,+Sawirro

0

Madaxweynaha Jubaland iyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa Maanta si wada jir ah xariga uga jaray qayb Cusub oo si casri ah loo dhisay oo lagu kordhiyay guriga Martida Jubb-aland.

Micheal Keating oo booqasho hal maalin ah ku tagay Magaalada Kismaayo ayaa goob joog ka noqday tartanka kursigii ugu danbeeyay ee Xubnaha Aqalka Hoose kasoo galaya Jubbaland.

Sidoo kale waxaa Safarkiisa ku weheliyay Wakiilka Midowga Africa iyo Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo ay wada qaateen kadib Madaxweynaha iyo Micheal Keating ayaa Saxaafada si wada jir ah ula hadlay.

Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay dhamaystirka xubnaha Aqalka Hoose ee Jubbaland waxaa kale oo uu sheegay in qaybtan Cusub ee lagu kordhiyay Aqalka Martida ay ku timid isku tashi isagoo xusay in ay Dowlada Jubaland dhiiri galinayso hananka wax qabsiga isku tashiga ah.

Micheal Keating Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xusay in talaabada lagu dhamasytiray Aqalka Hoose ee Jubaland ay tahay Tusaale kale oo Jubaland lagaga dayanayo Tubta Dowladnimada iyo horay usocodnimada isagoo bogaadiyay dhismaha qaybta Cusub ee Aqalka Martida waxaana uu xusay in ay Qaramada Midoobay garab taagan tahay Bulshada iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

14990984_770005979806972_4660468238014438047_o 15122996_770006126473624_1912922996285218161_o-1 15122996_770006126473624_1912922996285218161_o 15128817_770006263140277_6242180817743404583_o 15128995_770006319806938_4131996799881299860_o 15135912_770006133140290_8722583714146916091_n 15220095_770006113140292_6074315130851851511_n 15232158_770005983140305_692321291562999836_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here