Xili waqtigii kama dambaysta ahaa ee dawlada Kenya ay u qabatay in ay ku xirayso xerada dhadhaab ay ku egtahay 30 bishaan welina ay hoy u tahay dad lagu khiyaasay 260,000 ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya waxaa uu shaaciyay in dawladiisu ay ku dartay 6 bilood
Joseph Nkaissery ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada Nairobi ayaa waxaa uu tilmaamay in xaalada ammaan ee Somalia weli ay tahay mid aan la isku halayn Karin sida darteedna ay Kenya ku adagtahay in ku xirto xerada waqtigii kama dambaysta.
Sikastaba Joseph Nkaissery ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Filippo Grandi oo ah madaxa laanta qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR uu dawlada Kenya ka codsaday in waqti loo qabtay in dib loo celiyo qaxootiga loo kordhiyo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in ay sii socon doonto dadka iskood doonaya in ay dib ugu laabtaan somalia

