Donald Trump oo dhowaan loo doortay madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in marka ugu horaysa ee uu xafiiska lawereego uu joojin doono heshiiska loo yaqaano TPP kaas oo ah heshiis ganacsi oo u dhexeeya Maraykanka iyo wadamada Pacific-ga.
Hadalkaan ayaa Trump waxaa uu ku sheegay fariin muuqaal oo laga duubay waxaana uu shaaciyay in ku talagalkiisu uu yahay in marka bisha January xafiiska lawereego uu hor istaagi doono heshiiskaas.
Heshiiskaan ayaa waxaa saxiisay 12 wadan oo uu Maraykanku uu ka mid yahay kuwas oo sameeya 40% dhaqaalaha dunida.

