Maamulka Jubba-land ayaa mar kale ka hadlay sababaha keenay in ay hakiyeen qaxootiga Soomaliyeed ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ee dib u dajin loogu sameeyay deeganada maamulkaas.
Wasiirka arrimaha Gudaha maamulka Jubbaland Maxamed Darwish ayaa la hadlay guddiga qaxootiga, islamarkaana kamid ahaa wafdi shalay gaaray xeryaha qaxootiga kenya wuxuuna sheegay in sababta ay u hakiyeen qaxootiga ay tahay in ay doonayaan xuquuq ay helaan dadka soo laabanaya.
“Sababaha aan u hakinay qaxootiga kasoo laabanayay xeryaha qaxootiga Kenya waa in ay helaan xaquuqdii ay lahaayeen ee horey u balan qaadeen dowladdaha Soomaliya, Kenya, iyo Hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR, runtii xiligaan waxaa deegaanada maamulka Jubba-land dib u dajin loogu sameeyay kumaan qaxooti ah qaarkood ma aysan helin wixii ay xaqa u lahaayeen”, ayuu yiri Wasiirka arrimaha Gudaha maamulka Jubbaland.

