Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Ka Qeyb Galay isku Soo Bax Roob Doon ahaa+Sawirro

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21 November, 2016  waxa uu ka qayb galay isu soo bixii roob doonta ee ka dhacay duleedka  magaalada Garoowe.

Madaxweynaha  Puntland iyo bulshada caasimadda Garoowe ayaa waxay duleedka Garoowe ku tukadeen Salaadda roob doonta, iyaadoo Madaxweynuhu uu ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka beryay inuu umaddiisa ka dul qaado abaarta iyo colaadda , isla markaana uu caafimaad siiyo inta xanuusan sidoo kalena uu ugu deeqo roob khayr qaba oo aan dadka iyo duunyada wax yeelin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha  Puntland oo khudbad ka jeediyay isu soo baxa roob doonta ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dhamaan umadda muslimka ah ay ilaahay u noqdaan isla markaana ay ka tanaasulaan wax kasta oo looga fogaan karo wanaagga iyo khayrka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu duceeyey dhamaan bulshada in ilaahay uu ka dul qaado abaarta iyo colaadaha isla markaana uu roob khayra qaba ugu bedelo dhibaatada haysata.

” Waxaan isugu nimi roob doon iyo ilaahay inaan barino , waxaana loo baahan yahay inaan ilaahay ka baqno, inaan is cafino, in aanu towbad keeno, inta nugul ee jilicsan ee dhibaatadu haysato aan u naxariisano oo aan ugu gargaarno wixii aan awoodno si deg deg ah, ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu na cafiyo, ilaahayoow khatumada noo suubbi, ilaahow beddel khayr qaba ayaanu kaa barinay, ilaahow nasii roob khayr qaba oo aan dhibaato noo geysan, ilahow abaarta iyo colaadda naga saar” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha isla markaana uu ugu bedelo barwaaqo iyo bash bash.

img_0442 img_0452 img_0456 img_0466 img_0467 img_0468 img_0473 img_0474 img_0492 img_0496 img_0504 img_0509 img_0510 img_0515 img_0524 img_0575 img_0585 img_0591 sawir-4

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here