Qaraxa ayaa lagu tuuray Guri la sheegay in ay degenaayeen wiilal Dhallinyaro aha waxana qaraxa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen 6 kamid ah dhalinyaradi ku sugneyd guriga Bam-ka lagu weeraray balse ugu danbeyn mid kamid ah dhalinyradi dhaawaca uu soo gaaray ayaa goobta ku dhintay.
Warar hoose oo ay heleyso idaacadda simba ayaa xaqiijinayo in guriga la weeraray uu degenaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska balse waxaa la sheegay in guriga uu ka maqnaa taliyaha.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay waxa ayna ka sameeyeen howlgalo lagu baadi goobayay dadki qaraxa fuliyay waxana jiray dad badan oo ay ciidamada soo qabteen islamarkaana ay goobta ay ka wateen.
Al shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa xaley ka dhacay degmada Xamar-jajab waxa ayna al shabaab ay barahooda xaga internetka ku shaaciyeen in qarxaasi uu geystay waxyeelo badan.
Maamulka Degmada oo ay idaacadda simba la xariirtay ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan qaraxa xaley ka dhacay Degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.

