Doorashada Aqalka Hoose oo Maanta ka Dhacaysa Magaalada Cadaado+Magacyada Musharaxiinta

0

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Galmudug ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay ka dhaceyso Cadaado  ee Caasimada KMG ee Maamulkaas doorashada illaa sagaal kursi oo ka tirsan Aqalka Hoose, kaasoo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah oo isugu jira Xildhibaano hore, kuwo xilal haya iyo kuwo kale.

Yuusuf Diiriye Maxamuud  Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in doorashada ay bilaaban doonto 9-ka subaxnimo, isagoo ugu baaqay dhamaan Musharaxiinta soo buuxiyay liiska inay waqtiga ilaaliyaan.

Halkaan Hoose ka Akhriso Liiska Xubnaha maanta ku Tartamaya Aqalka Hoose

1- Beesha Waceysle, Cali Gaaf ayaa waxaa ku tartamaya Eng. C/llaahi Cali Xasan oo ahaa Agaasimihii Hey’adda CED, Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim oo ah Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo Fowziyo Xasan Abukar oo horay uga soo shaqeysay Xafiiska UNSOM.

2- Kursiga labaad Beesha Waceysle, Marooyin Axmed Yuusuf Guuleed oo Ganacsade ah iyo Ganacsadaha caanka ah C/llaahi Cali Axmed oo loo yaqaano Caddow Cali Gees oo horay Xildhibaan u ahaa.

3- Kursiga 3aad Murusade Habar ceyno Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii dalka soo maray, isla markaana ahaa Xildhibaan 8-dii sano ee u dambeysay iyo Axmed Mukhtaar Maxamuud.

4- Murusade – Habar Ceyno:- Maxamed Maxamuud Guure, Zakariye Maxamed Cosoble, C/qaadir Nuur Caraale iyo C/qaadir Gaafow Maxamuud.

5- Murusade – Habar Adinle:- Xuseen Qaasim Yuusuf iyo Shire Macalin Gaab

6- Duduble – Maxamed Camal:- Maxamed Cilmi Afrax, Bootaan Ciise Caalin, Cabdulle Faarax Xirsi iyo Cali Sheekh Yaasiin Fadhaa

7- Murusade – Sabti- Abakar:- Xasan Macalin Maxamuud, C/qaadir Xuseen Maxamuud iyo C/fataax Cali Xasan

8- Duduble Awr-wadeen:- Maxamed Cabdulle Faarax Geesey, Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye

9- H/gidir- Saruur:-  Cawil Maxamed Siyaad, Xaawo Kiin Maxamed Cali iyo Xirsi Aadan Rooble

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here