Faah-Faahin:- Madaafiicda Lagu Garaacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir+Dhageyso

0

Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa wax ku noqday kadib markii tiro madaafiic ah ay maanta ku dhaceen xaafado kamid ah degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Madaafiic  lagu qiyaasay ilaa 5-madfac  ayaa ku dhacay gudaha degmada deyniile, qaar kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay kaalin shidaal oo ku taala  isgoyska ifka xalane ee ah oo goob u dhow Garoonka Stadium Muqdisho oo Saldhig Malatari ay ku leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

Sidoo kale madfac kale oo ku dhacay guri ku yaala degmada deyniile ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay haweeney, halka ay ku dhaawacmeen 5-ruux oo ku sugnaa guriga uu madfaca ku dhacay oo ku yaala degmadaas sida goob-jooge ku sugan halkaas uu u sheegay idaacadda Simba.

“Waxaan haatan ku suganahay isgoyska ifka Xalane waxaa kusoo dhacay 5-madfac oo laga soo tuuray isla gudaha degmada deyniile, madfac kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guri ay daganaayeen dad shacab ahaa halkaas waxaa ku dhintay, hooyo Soomaliyeed, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil ay dhashay iyo gabar iyo walaasheed iyo qof dariska ahaa,walina lama aasin xiligaan, bartilmaameeddka madaafiicda ayaa ahaa xarunta Ciiamada Amisom ee Garonka Staidum Muqdisho”, ayuu yiri qof goob-jooge ahaa.

Ilaa haatan ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada madaafiicda maanta lagu garaacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaase xusid mudan in horey sidaan oo kale madaafiic loogu garaacay degmadaas.

Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika Amisom iyo kuwa Booliska dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobihii maanta ay ku dhaceen Madaafiicda ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxayna la kulmeen Eheladii dadkii ay waxyeelada soo gaartay.

 

.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here