Nabadoon Yaasiin C/samad oo ka mid ah Waxgaradka Gobalka Mudug ee Puntland oo u Waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Wali uu Taagan yahay Tuhunkii Puntland ay ka qabto in Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ay Ku sugan yihiin Dhaq-dhaqaaq ka tirsan Al-shabaab oo Galmudug gacan ku siinaya Dagaalka Mudada Labada Bilood ah ka Socaday Magaalada Gaalkacyo.
Nabadoon-ka ayaa Xusay in Xiisada Gaalkacyo ay lug muuqata ku leeyihiin Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab oo ka yimid Meelo ka Baxsan Gobalka Mudug islamarkaana Maamulka Galmudug uu siinayo Taageero Hub iyo mid Ciidan waxa uuna Tilmaamay ay yar tahay Rajada laga Qabo in Xal Waara laga gaaro Xiisada Gaalkacyo.
Nabadoon Yaasiin ayaa Dhank kale Maamulka Galmudug ku eedeeyey inay wali ka soo Horjeedaan in Xal Muuqda laga gaaro Colaada Gaalkacyo asagoo intaa hadalkiisa ku daray in Maamulka Galmudug uusan Odayaasha Dhaqanka u Madax baneynin inay waxgaradka Puntland kala Xaajoodaan Sidii Wada Hadal loogu Dhamayn lahaa wax sababay Gacan ka Hadalka Gaalkacyo.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Bishii December ee Sanadkii 2015 waxa Heshiis ay ku kala Saxiixdeen Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo, Balse Dagaal Xoogan ayaa markale Dib uga qarxay Gaalkacyo 28-September-2016, ka dib Xiisad ka Dhalatay Duqeyn Dowlada Maraykanka ay ku Dishay Askar ka tirsan Maamulka Galmudug oo Sugaan Saldhig ku yaala Bariga Magaalada Gaalkacyo.
Hogaamiyayaasha labada Maamul ayaa markale iskugu yimid Heshiis ay garwadeen ka ahaayeen Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Michael Keating iyo Ra’iisulwasaaraha Xukumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke kadib markii uu bur-buray Heshiis Xabad joojin ahaa oo ay marti galisay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo u kala Dabqaadaysay C/kariin Xussen Guulleed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas.

