Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaliya Denjire Michael keating ayaa ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug in aysan jabin xabad joojinta heshiiska Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug islamarkaana lagula xisaabtami doono cidii jabisa xabad joojinta la gaaray.
Denjire Michael keating ayaa sheegay in dadaal badan loo galay in la heshiisiiyo maamulada Puntland iyo Galmudug islamarkaana aan wax la aqbali Karin ay tahay In la jabiyo xabad joojinta laga dhaqan galiyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug.
“Waa wax aan la aqbali doonin in la jabiyo xabad joojinta heshiiska magaalada Gaalkacyo, waxaan ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Galmudug in aysan jabin xabad jioojinta laga gaaray colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, cidii jabisa xabad joojinta waa lala xisaabtami doonaa”, ayuu yiri Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaliya Denjire Michael keating.
Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhawaan heshiis kuwada gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaasi oo dhigayay in xabad dambe aan laga maqlin Magaladaas islamarkaana 20-bishaan shir dib u heshiisiin lagu qabto Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Jubba-land.

