Seddex qof oo Somali ah oo maydadkooda rasaas ay ku taalo ayaa waxaa laga helay xuduuda u dhaxaysa wadamada Somalia iyo Kenya,
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaas ay dilkood masuul ka yihiin ciidamada dawlada Kenya.
Maydadka seddexdaan qof oo rasaas ay kamuuqato islamarkaan lagu arkay xuduuda kala qaybisa Kenya iyo Somalia ayaa waxaa aad uga aragagaxay dadka deegaanka.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo soohdinta kala qaybisa labada dal maydadka dadkaan ayaa lagu arkay inta u dhaxaysa magaalooyinka Liboyo iyo Kulan.
Dadka deegaanka ayaa ku adkaysanaya in dilkaas ay fuliyeen ciidamda Kenya waxaana sidoo kale wararku ay intaas ku darayaan in dadkaas ay usbuucii lasoo dhaaftay ay afduubteen Ciidamada Kenya.
Ciidamada dawlada Kenya ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay dadkaas somalida ah ee lagu dilay xuduuda wadamada Somalia iyo Kenya.
Dadka Somaliyeed ee ku nool xuduuda ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi ay ka qabaan in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin kale ka geystaan degaanada xadka dhaca.
