Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug Mudane Cusmaan Ciise Nuur Taardhuuleed oo maanta shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ee ku aadanaa in duqeyntii ka dhacday deegaanka jeedxin 28-kii September in lagu dilay Ciidamo ka Tirsan Galmudug oo aan lagu dilin Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab.
“Dowladd Goboleedka Galmudug waxa uu soo dhaweynayaa hadalkii kasoo baxay dowladda Mareykanka ee ku aadanaa in duqeyntii ka dhacday deegaanka jeexdin in lagu dilay Ciidamo ka Tirsan Galmudug , xaqiiqdii haatan waxaa mareykanka ka sugaynaa in uu bixiyo magdhowga 10-askari oo la baabi”iyay hubkii ay wateen iyo gadiidkii ay la socdeen, qoysaskooda ayaa la siinayaa magdhowgaas”, ayuu yiri Cusmaan Ciise Nuur Taardhuuleed.
Dhanka kale Wasiirka Amniga ee Maamulka Galmudug Mudane Cusmaan Ciise Nuur Taardhuuleed ayaa baaq u direy Maamulka Ahlusuna Waljameeca isagoona ugu baaqay in ay kusoo biiraan Maamulka Galmudug islamarkaana la xalin doono wixii tabashooyin ah.
Ugu dambeyntii Wasiirka Amniga ee Maamulka Galmudug Mudane Cusmaan Ciise Nuur Taardhuuleed ayaa ku hanjabay in Ciidmada Galmudug ay ka saari doonaan Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

