Baankii Moon Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsi safiirnimo ka gudoomay Safiirka Soomaaliya u qaabilsanaan doono QM Yuusuf Garaad Cumar.
Yuusuf Garaad ayaa waxaa magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud isagoona maanta oo sabti ah warqadaha aqoonsi safiirnimo ku wareejiyey Xog-hayaha guud ee QM Banki Moon kadib kulan ay kuwada qaateen Xarunta QM.
“Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta iga guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda” ayuu yiri Safiir Yuusuf Garaad.
“Intaa ka dib, ayuu Xoghayaha Guud igu martiqaaday xafiiskiisa magaaladan New York, halkaas oo aan ku qaadannay kulan gaaban” ayaa sii raaciyey.
“Waxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda.”
Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay in uu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba”.
Ugu dambeyn danjiraha Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono QM ayaa sheegay mar uu ka hadlaye waxyaabaha ugu badan ee uu diiradda saari doono waxa uuna yiri:
“Waxaan xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, in ay sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin” sidaana waxaa yiri Yuusuf Garaad Cumar oo ah safiirka cusub Soomaaliya u qaabilsan QM.
Yuusuf Garaad Cumar ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoona ugu dambeyn hada uu noqday safiirka Soomaaliya ee QM.

