Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Dr C/wali maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guulleed ayaa maanta kuwada kulmay Magaalada Gaalkacyo e Xarunta Gobolka Mudug iyagoo kawada hadlay xalinta Colaada Magaaladaas ka jira.
Kulanka labada Madaxweyne ay wada qaateen waxaa goob-joog Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Denjire Michael.
Kulanka labada Madaxweyne ay wada yeesheen oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la xoojiyo heshiiskii lagu saxiixay isu tagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo C/kariin Guulleed ayaa 20-ka bishan ku kulmaya magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land, iyadoo la sii adkeynayo heshiiska xabad joojinta ee laga gaaray colaada todobaadyada ka jirtay magaalada Gaalkacyo.

