War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay Duqayntii ay ka geysteen diyaarahada Mareykanka deegaanka Jeedxin ee Magaalada Gaalkacyo 28-kii September gaar ahaan dhanka ay ka taliso galmudug aysan aheyn mid lagu Bartilmaamedsaday Xarakada Al-shabaab, balse uu khasaara ka soo gaaray Malleeshiyaad degaankaas ah.
Warka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaas aysan qasaaro kasoo gaarin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo markii hore warbixin lasii daayay lagu sheegay in dagaalyahan shabaab ah lagu dilay duqeyntaas ka dhacday deegaanka Jeedxin ee Magaalada Gaalkacyo.
Taliska Mareykanka ee qaarada afrika ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaas oo dhacday 28-septermber in lagu dilay 10 Malleeshiyo iyo dhawaca Seddex kale balse uusan jirin khaasaro kale oo dhanka Shacbka ah oo ay gaysteen.
Mareykan ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ay ku dhacday codsiga kaga yimid dhanka hoggaanka Ciidamada Puntland ee PIS-ta iyo qiimeyn ay sameeyeen ka hor duqaynta dhacday, balse aysan jirin Shabaab halkaas lagu dilay.
Dhanka kale Warkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka waxaa soo dhaweeyay dowlad Goboleedka Galmudug oo ka talisa halka ay ka dhacday duqeynta.
Xigasho Reuters

