Inta la xaqiijiyay labo Askari oo ka tirsan ciidamada puntland ayaa ku dhintay 5- kalena waa ay dhaawacmeen kadib shil gaari oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka bari.
Shilka sababay qasaaha dhimashada iyo dhaawaca aya si gaar ah kaga dhacay Deegaanka Jiingada oo 10 KM u jira Carmo ee gobolka Bari.
Faafaahino kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan shilka gaari ee qasaaraha sababay iyadoona wararka qaar ay tilmaamayene in gaari nuuca dagaal oo ay wateen ciidamada puntland uu ku dhacay gaari uu leyahay Maxamuud Ibraahim Xayir oo kamid ah Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Garowe.
Dadka shilka gaari ku dhaawacmay waxaa ku jiro gudoomihii deegaanka Bali Dhadin ee gobolka Bari, waxana dhaawaca gudoomiyaha iyo askarta lagaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada boosaaso.
Wafdiga uu hogaaminayay Xildhibaan maxamuuu xayir ayaa la sheegay in uusan jirin qsaare soo gaaray.
Ciidamada puntland ee shilka galay ayaa la sheegay in ka tirsan ciidanka puntland ugu xil saarana ka dagaalanka aaga buuraha Galgala.

