Wararka ka imaanaya gobolka bari ayaa ku waramaya in ciidamo hubeysan oo a tirsan kuwa maamulka puntland in ay xaley weerar ku qaadeen degmada qandala ee gobolka bari.
Ciidamada weerarka qaaday oo saarnaa doomo dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ay dhowr jiho ka weerareen degmada qandala islamarkaana dagaal uu dhexmaray ciidamada puntladn iyo kooxda daacish ee maalmihi la soo dhaafayay maamuleysay degmadaasi.
Dagaalka oo aha mid xoogan islamarkaana hub cylys ay labada dhinac is weydaarsadeen ayaa waxaa jiro qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadi dagaalmay wallow aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay qasaaraha soo kla gaaray labada ciidan ee dagaalamay.
Degmada qandala waa degmo qadiimi ah islamarkana dhacda gobolka bari waxana degmadaan ay leedahay xeeb iyadoona dhawaan ay gacan ku heynta qandala ay la wareegeen xoogaga daacish.

