Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay xaafada Buunda weyn ee Gudaha Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dilka kadib ragii hubeysanaa waxaa u suurta gashay in ay goobta ka baxsadaan waxaana goobta dilka dhacay gaaray durbadiiba Ciidamo ka Tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo halkaas baaritaano ka sameeyay iskastoo aan si dhab ah loo ogeyn shaqsiyaadka loo qabtay dilka.
Dhanka kale wararka saakay naga soo gaaraya Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada dowladda Soomaliya oo baaritaano ka waday xaafadii xalay lagu dilay askarta ay halkaas ku dhaawaceen nin ganacsade ahaa oo si weyn loogu yaqaanay gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dilka xalay ka dhacay xaafada Buunda weyn ee Gudaha Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab.

